WARARKA SOOMAALI

Barakac xooggan oo ka socda Baladweyne & xaalada oo kasii dartay

By xuseen waashitoon

May 11, 2023

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa maalintii saddexaad ka socda barakac xooggan oo ay sameenayaan dadka deegaanka, kadib markii wabiga Shabelle uu fatahaado hor leh ku sameeynayo xaafaddaha magaalaadas.

Barakaca ay sameeynayaan dadka deegaanka ayaa xooggiisa ka socdo Xaawo Taako, Howlwadaag, Kooshin iyo Buundo Weyn, waxa ayna dadkii ku dhaqnaa xaafadahaasi ay u qaxeen duleedka Baladweyne iyo deegaano hoostaga magaaladaas.

Qaar kamid ah shacabkii shalay tagay deegaano hoostaga Baladweyne oo la hadlay warbaaninta ayaa u sheegay inay dhibaatooyin ay ka heystaan dhanka nolasha, isla markaana ay u baahan yihiin gurmad, sidoo kalena xaalada heysata wax laga qabto.

Biyaha webiga ayaa dhex ceegaaga guryaha ku yaalla Baladweyne, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan inay jiraan qoysas badan oo ku go’doodsan gudaha magaalada oo ay la’yihiin meel ay uga baxaan biyaha webiga oo xad-dhaaf u fatahayo.

Maamulka Hirshabelle ayaan xal muuqda u helin fatahaada uu sameeyo wabiga Shabelle, waxaana marar badan magaalada Baladweyne saameyn badan ku yeeshay fataahada wabiga sameeyo oo keentay in dad badan magaalada ka barakacaan.