WARARKA SOOMAALI

Banaanbaxyo rabshado wata oo ka socda Muqdisho iyo rasaas xoogan…

By Xuseen Post

December 15, 2020

Ciidamada Amniga dowladda Soomaaliya ayaa xalay la dhigay wadooyinka Muqidisho si ay uga hortagaan bannaabaxyo ay dhigayaan taageerayaasha musharixiinta Mucaaradka oo lagu diidan yahay Madaxweyne Farmaajo iyo Doorashada lagu mursan yahay ee uu wato.

Ciidamada ayaa lagu arkayaa wadooyinka magaalada, sida jidka weyn ee Maka Almukara, waxaana la xiray qaar ka mida wadooyinka caasimadda, laakiin xaafadaha qaar ayaa waxaa ka socda bannaanbaxyo, iyadoo dadka ay wataan boorar ay ku qoran yihiin ereyo ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo.

Qaar ka mida dadka bannaanbaxaya ayaa gubaya taayaro waaweyn, waxaana wararku sheegayaan inay sii kordhayaan dadka bannaanbaxa ka qeyb qaadanaya, iyadoo meelaha qaar laga soo sheegay inay rasaas ka dhacday.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya dad bannanabax ka waday xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid ay rasaas ku fureen ciidamada, isla markaana ay isku dhaceen laba ciidan.

Degmooyinka bannaanbaxyadu ka socdaan ee ciidamada dadka kala eryeen waxaa ka mida ah degmada Cabdicaiis, Kaaraan iyo degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, isal markmaana waxaa la maqlayaa rasaas xoogan oo ka dhaceysa.