HORUFADHI MEDIA |

Banaanbaxii ugu Balaadhna oo looga soo hor jeedo Dowladda Farmaajo oo ka dhacay Jowhar iyo Maamulka Hir-shabeelle oo Kalsoonidii-Sawiro..

Banaanbaxyo loogaga soo horjeedo dowlada Federalka isla markaana lagu taageerayay dowlada Hirshabeelle ayaa maanta waxa ay ka dhaceen degmooyin ka mid ah dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Magaalooyinka Jowhar,Beledweyne,Buuloburte,Balcad iyo Warshiiq ayaa waxa ay ka dhaceen banaanbaxyadan iyadoo ay ka hadleen mas’uuliyiin isugu jira dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo Maamulada labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Dadka banaanbaxayay ayaa waxa ay wateen boorar ay ku qornaayeen halku dhegyo ka tarjumayay ujeedada banaanbaxa waxaana ka mid ahaa”Waan diidanahay in cunoqabatayn la saaro Hirshabeelle,Waan diidanahay xadgudubka dowlada Federalka ku hayso Hirshabeelle iyo halku dhegyo kale.”

Magaalada Jowhar ayaa waxaa dadkii banaanbaxyay la hadlay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen Wasiirka Duulista Hawada Hirshabeelle Maxamed Cabdule Batalaale,Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda C/karin Cali Nuur,wasiir ku xigeenka dastuurka Maxamed Siyad Kheyre,xildhibaan Barqadle,guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaran iyo oday dhaqameedyo.

Dhammaan mas’uuliyiintan ayaa waxa ay sheegeen inay diidan yihiin in cunoqabatayn la saaro Hirshabeelle, waxayna ugu baaqeen dowlada federalka in ay joojiso xadgudubyada lagula kacayo.

Sidoo kale banaanbax ka dhacay degmada Balcad ayaa waxaa ka qeybgalay maamulka degmada Balcad iyo mas’uuliyiin ka socotay maamul goboleedka Hirshabeelle,nabadoono,arday iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Mas’uuliyiintii ka hadashay banaanbaxan ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirku xigeenka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Maxamuud Xuseen Gudbaaye, Guddoomiyaha degmada Balcad Maxamuud Maxamed Saney iyo Ugaas Maxamed Weli Ugaas Xuseen.

Banaanbaxyadan ayaa ah kuwii ugu horeeyay ee laga qabto deegaano kamid ah Hirshabeelle iyadoo dhowaan xiriirka u dhexeeya Dowlada Federalka iyo Dowlad goboleedka Hirshabeelle uu sii xumaanayay kadib markii garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar laga mamnuucay in ay ka soo degaan diyaaradhaa qaadka.

Exit mobile version