Site icon HORUFADHI MEDIA |

Baarlamaanka Hirshabeelle oo muddo xileedka u kordhiyay Cali Guudlaawe

Kulan ay magaalada Jowhar maanta ku yeesheen Baarlamanka Hirshabelle ayaa lagu ansixiyay in muddo sanad ah la kordhiyo muddo xileedka Baarlamaanka maamulkaasi iyo Madaxweynaha.

Kulanka waxaa gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamanka Hirshabelle Cabdixakim Luqmaan Muxumed, waxaan loogu codeeyay wax ka bedelka muddo xileedka Hay’adaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle ee Madaxtooyada iyo Baarlamaanka, iyadoo la bedelay Qodobadda 33-aad iyo 50-aad ee Dastuurka Hirshabelle ee ku saabsna muddo xileedka Baarlamanka iyo Madaxtooyada.

Xldhibaannada Hirshabelele ayaa gacan taag ah ku ansixiyey in muddo xileedka Madaxtoyada iyo Baarlamaanka Hirshabelle oo hore ua haa 4 sano laga dhigo 5 sano. Gudoomiyaha Baarlamanka ayaa ku dhawaaqay Natiijada Codeynta 66 xildhibaan ay ogolaatay, waxaa diiday 3 xildhibaan waxaa ka aamusay 1, waxaana kulanka joogay 70 mudane.

Muddo kordhinta ayaa kusoo aadeysa, iyadoo weli aan xal laga gaarin tabashooyinkii ka dhashay doorashadii bishii lasoo dhaafay ka dhacday Magaalada Jowhar, isla markaana banaanbaxyo looga horjeedo Cali guudlaawe ay ka dhaceen Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Exit mobile version