WARARKA SOOMAALI

Baarlamaanada Soomaaliya iyo Norweyn oo yeelanaya Iskaashi, kadib kulan dhacay

By xuseen waashitoon

June 16, 2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Sheekh Adan Maxamed Nuur-Madoobe ayaa hoygiisa kulan kula qaatay danjiraha dalka Norweyn, Amb. Haakon Svane.

Safiirka dalka Norway ayaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka la wadaagay sii amba-qaadida taageerada  dhanka sharciga oo dowladda Norwey horay u siin jirtay  Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Kulankan ay yeesheen mas’uuliyiinta oo daba socday kulan hore ayaa lagu  soo hadal qaaday Awoodsiinta Haweenka Soomaaliyeed kuwooda ku jira siyaasada.

Guddoomiyaha ayaa bogaadiyey shacabka iyo dowladda Norweyn oo taageera buuxda ay la garab taagan yihiin Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed waxaana uu sheegay in ay iska kaashan doonaan wada shaqeeynta Baarlamaanada labada dal.