Site icon HORUFADHI MEDIA |

Baadari caan ah oo sheegay in Nigeria ay la mid noqon doonto Somalia

Baadariga Paul Udogu oo u dhashay Nigeria ayaa dowlad-goboleedyada iyo federaalka dalkaas ugu baaqay in ay wax ka qabtaan dhibaatada haysata bulshada.

Sida uu aaminsan yahay, haddii aan wax laga qaban xaaladda ammaanka dalkaas ee ka sii dareysa, waxay Nigeria noqon dontaan dal guul darreystay sida Soomaaliya, waa sida uu sheegayee.

Udogu ayaa sidoo kale ka hadlay in xaaladda dhaqaale ee dalkaas ay saameyn ku yeesheen ganacsiyada iyo ururrada gaar loo leeyahay.”Qiimaha badeecooyinka muhiimka ah ayaa daqiiqad isku beddela. Qiimaha cuntada, sibirka ama shamiintada iyo qalabka kale ee dhismaha iyo batroolka ayaa sare u sii kacaya.”

“Tani waxay nolosha ka dhigtay mid adag oo aan loo dulqaadan karin; dad badan oo reer Nigeria ah ayaa waayay ganacsiyadooda iyo maalgashigooda. “Lacagta Naira hoos ayay u sii dhaceysaa iyadoo ay dowladdu lacag ka soo deynsaneyso dalalka shisheeye iyo hay’adaha.”Shaqaalaha dowladda mushaarka ay bishii qaataan ma gaarsiiyo kala barka bisha sababo la xiriira badeecada sare u sii kaceysa. Dad badan oo Nigeria ku nool saddex waqti wxa ma cuni karaan iskaba daa inay awoodaan daawen caafimaad oo wanaagsan. Kiisaska dadka dhimanaya ayaa haatan ku badan bulshadeenna”, ayuu yiri.

Baadariga ayaa intaas ku daray in gobolka ka mid ah dalkaas uusan maanta Nabad ahayn.

“Meel walba, waxaa ka taagan ammaan darro. Weerarkii dhowaan lagu qaaday barasaabyada gobollada Benue, Borno iyo Imo iyadoo si maalinle ah weerar loogu qaadayo bulshada iyo afduubka carruurta iskuulleyda ah iyo dhalinyarada iskuullada ku yaalla waqooyiga iyo kufsiga haweenkeenna waa kuwo aan la aqbali karin.

Xigasho BBC Somalia

Exit mobile version