WARARKA SOOMAALI

Axmed Madoobe oo shuruud Culus ku xiray inay Doorashado ka dhacdo Gedo

By Xuseen Post

December 07, 2020

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa dowladda Federaalka ugu baaqay inay Ciidankeeda kala baxdo Gobolka Gedo oo markii horey ay geeysay.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka aysan Gobolka Gedo ka dhici doonin haddii ay dowladda ka saari weydo Ciidankii halkaas geysay oo uu xusay inay dhibaato ku haayan shacabka.

“Marka Puntland doorashada ku qabato labada meel, Hirshabelle, Galmudug iyo Koofur Galbeed ku qabtaan labada meel, Jubbaland hal meel miyay ku qabaneysa, mise dowladda ayaa Gedo xaq u leh inay ka qabato, hala qeexo Jubbaland meesha wax ku qabaneyso, haddii kale qoraal soo saarna waanu la wareegnay dhaha Gedo, idinkoo sababeynaya” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan Arrimaha doorashada, wuxuuna sheegay inay muhiim ay tahay in doorashadii lagu heshiiyay waqtigii loogu tala-galay ay ku dhacdo.

Madaxda dowladda Federaalka ayuu uga digay inay booban Doorashada dhaceysa dhammaadka sanadkaan 2020/21, isagoona teeray baaqyadii iyo digniinihii horey uga soo baxay Musharaxiinta Madaxweynaha SOomaaliya ee mucaaradsan dowladda.

Hadalkaan ayuu Madaxweynaha Jubbaland ka sheegay khudbad uu ka jeediyay shirkii Maanta Magaalada Muqdisho uga furmay dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, isla markaana aada ZOOM-ka ay uga qeyb galeen Madaxda maamul Goboleedyada.