Muqdisho (HM)-Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo maanta la hadlayay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa soo hadal qaaday khilaafkii dheeraa ee u dhaxeeyay isaga iyo DFS ee ka dhashay doorashadii Jubbaland ka dhacday sanad ka hor.
Axmed madoobe ayaa sheegay in Muqdisho ay ugu dambeysay sanadkii hore, maantana uu yimid sanad kaddib dagaal dheer iyo dhufeys uu ku jiray.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
“Muqdisho waxaa iigu dambeysay doorashadii ka hor bishi ka dambeysay dhufeys baan ku jiray oo waxaa is lahaa bal dowladda iyo cidii laguu soo diro iska celi cidii ku timaada adiguna is giiji nimankaas yac iska dhahay”ayuu yidhi Axmed Madoobe.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in doorashadii Jubbaland ay dowladda iyo beesha Caalamka ka codsadeen inay korjoogayaal soo dirsadaan, maadaama ay xaq u leeyihiin in Jubbaland doorashada qabsato oo Dastuurkeeda dhigayo, balse madax adeeg iyo dhego adeeg kaga yimid dowladda Federaalka ay gaartay illaa xad dagaal meelo badan saameyn ku yeeshay oo siyaasadeed.
Waxaa uu sheegay in aanu matnaba aanan diidin Dowladda Federaalka, balse dooddiisa aheyd waxa dastuurka iyaga siinayo ay qaataan iyo waxa dowladdu siinayo Dastuurka ay qaadato.
Horufadhi News