HORUFADHI MEDIA |

Axmed Madoobe oo lagu eedeyay Ciidankiisa inay ka dambeeyan dil Kismaayo loogu gaystay Ganacsade.

Kismaayo (HM)-Maamulka Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji Mcalimoow ayaa Xaqiijiyay in dilka dhacay dhawaan Magaalada Kismaayo ee Xaruunta Gobolka Jubbada Hoose ay ka dambeeyeen Ciidanka Madaxweynaha Maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Guddoomiyaha ayaa u sababeeyay dilka in uu yahay mid Cabsi galin ah oo uu sheegay in Axmed Madoobe uu doonayo in uu ku cabsi galiyo dadka bulshada wax galka u ah ee aan la dhacsanayn maamulkiisa iyo sida uuw ax u wado Axmed Madoobe, waxaana uu intaas ku daray in Marxuumkii dhawaan lagu dilay kismaayo tiro dhowr jeer ah loo hanjabay loona sheegay in la dili doono.


Waxaa uu sheegay Maamulka Gobolka Gedo in ay sameeyeen baaritaan dheer oo la xariira habka dilku u dhacay iyo cidda ka dambeysay, waxaana baaritaanka lagu ogaaday in dilkaas ay gaysteen shan Nin oo uu maamulku sheegay in ay ka tirsanaayeen Ciidanka madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Marxuumka la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Nuur Shig-shigow oo la tilmaamay inuu ahaa Maamulada Shirkadda Xawaalada AMAL ee Xarunteeda Magaalada Kismaayo, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in loo dilay aanooyin Qabiil, balse Guddoomiyaha Gobolka Gedo ayaa sheegay in dilkaas ay ka dambeeyaan Ciidanka Axmed Madoobe.

Horufadhi News

Exit mobile version