Site icon HORUFADHI MEDIA |

Axmed Madoobe oo eedeyn kulul u jeediyey Dowladda Federaalka-Akhriso

Kismaayo (HM)-Madaxweynaha maamulka Jubalanad Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Masuuliyiin iyo dadweyne kala duwan salaada ciidul Adxa kula tukaday Xarunta Madaxtooyada Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa wuxuu dhamaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadan weyn isagoo u rajeeyay in ay is cafiyaan oo gacmaha ay is qabsadaan.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa shacabka ree Jubbaland ugu baaqay in midnimadooda ay adkeeyaan oo ay nabadgalyada kala shaqeeyaan hay”adaha amaanka isagoo xusay in nabadgalyadu ay cid walba ahmiyad gaar ah u leedahay.

Arimaha doorashooyinka ayuu sheegay in qof walba uu Dantiisa ka hormariyo mida guud oo xukunku uu maalmo kooban yahay loona baahan yahay in shacabka loo adeego.

Dowlada Federaalka ah ayuu sheegay in ay faragalinta iyo xaaalad abuurka ay Wado uuna dan u ahayn shacabka taas oo mar walba xaalada uga sii daraysa isla markana burbur ku keenaysa dadaaladii mudada dheer soo socday.

Eedeynta Axmed Madoobe ayaa kusoo beegmeysa iyadda oo maamulkan uu isku diyaarinayo doorasho ka dhacda degaanadiisa, taasi oo bishan loo balansan yahay.

Coddeynta oo aad isha loogu hayo ayaa dhowaanhaba Beesha Caalamka waxay waday dedaalo looga fogaanayo in ay dhacaan arrimo liddi ku ah ammaanka iyo xasiloonida.

Exit mobile version