WARARKA SOOMAALI

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo kulan gaar ah ku yeelanaya Garoowe iyo Xogta la helay

By xuseen waashitoon

November 11, 2021

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Ismaan Axmed Madoobe ayaa maalmaha soo socda lagu wadaa inuu safar ku tego Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland, si uu ula kulmo Madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ujeedkiisa Garoowe waxaa uu yahay kulan uu la qaadan doono Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, iyagoona ka wada hadli doona Arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda dalka iyo doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in labada Madaxweyne ee Jubbaland iyo Puntland ay ka arrisan doonaan Arrimo kale oo qorsheysan, isla markaana socdaalka Madaxweynaha Jubbaland uu yahay mid salka ku haaya doorashada.

Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan la filayay inay kulan gaar ah ku yeeshaan Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, hayeeshee Madaxweyne Deni ayaa socdaalka uu ku tegi lahaa Nairobi ka baaqday.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa isna la filayaa in uu Puntland yimaado sabtida soo socota si uu kormeer ugu sameeyo xarumaha loo qorsheeyay doorashada Aqalka Hoose.