WARARKA SOOMAALI

Axmed Karaash oo ICRC kala hadlay gurmadka dadka ku barakacay xasuuqa Laascaanood

By xuseen waashitoon

February 22, 2023

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta qaabilay Madaxa Hawl-fulinta Hay’adda Laanqayrta Cas (ICRC) mr Cyril Jaurena, kaasi oo gaaray magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Kulanka dhexmaray Madaxweyne Axmed Karaash iyo Madaxa Laanqayrta ayaa waxaa looga hadlay hadlay gurmadka dadka ku barakacay xasuuqa Maamulka Somaliland ku hayo dadka Gobolka Sool gaar ahaan kuwa magaalada Laascaanood.

“Aniga oo ka duulaya sidii looga jawaabi lahaa baahiyaha deg-deg ah ee Shacabka kasoo barakacay Xasuuqa Soomaaliland ka wado magaalada Laascaanood waxaan maanta kulan la yeeshay Madaxa Hawl-fulinta Hay’adda Laanqayrta Cas (ICRC) mr Cyril Jaurena.

Kulanka ayaan uga hadalnay sidii Hay’addu u dar-dargelin lahayd doorkeeda ku aadan ee kaalmada Shacabka dhibaatadu soo gaadhay.” Ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka.

Kummanaan kun oo ruux ayaa ku barakacay Colaada magaalada Laascaanood, waxaana sidoo kale dhimasho iyo dhaawac ku noqday boqolaal qof oo ay xasuuqeen maleeshiyaadka maamulka Somaliland, kuwaasi oo duullaan kusoo qaaday magaalada.