HORUFADHI MEDIA |

Askari reer Jabuuti ah oo muuqaal kasoo dhex duubay Suuli sidii Xabsi loogu ciqaabo oo kacdoon dhaliyey.

Laascaanood ( HM) Waxaa inta badan Bulshada Qalbigeeda dhaqaajiyey  Muuqaal uu Xabsi ku yaala dalka Jabuuti kasoo duubay, Askari ka tirsanaa Ciidamada dalkaasi, Balse Cadaalad darro tirsanaya, Hadana ku Jira nOlol adag sida laga dheehan karo muuqaalka goobta uu ku xidhan yahay, Isagoo seexda [Musqul/Suuli] Dushiisa, Jidhkiisana waxaa ka muuqda Nabarro.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Fu’aad Yousuf Wuxuuse sheegay inaan loo Ooyin  ama loo Calaacalin, Xiliga uu Muuqaalka duubayna uu Naftiisaba kaba samray, Wuxuuna shacabka Jabuuti ugu baaqay inay ka dhiiidhiyaan dulmiga iyo Nolol Xumada haysta.

Walaalkeen Fouad markuu damco in uu tukado wuxuu ku dul sujuudaya suuliga, markuu jiif maagana dul seexanaya suuliga, oo ay u dheertahay god madow oo cayayaan nooc walbaa leh ka buuxaan, inaguna waxaynu xalay ku seexanay sariiro laga buuxiyey wax kastoo raaxo iyo hurdo macaan laga helo, hurdo macaani maaha furaashka iyo sariirta e waa xoriyada taas baa ah waxa ugu macaan ee bashar ku helo dunida guudkeeda taasna ma haysto walaalkeen.

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya dalka Jabuuti ayaa waxay sheegayaan inay Xaaladu tahay mid kacsan, islamarkaana ay dadku siwayn uga Cadhoodeen Xaalada Askarigan iyo dhibaatada kuu sugan yahay,  waxaana Jira Qorsheyaal lagu dhigayo banaanbaxyo.

Waxaa sidoo kale arintan siwayn uga hadlay Qaar kamid ah Siyaasiiyiinta iyo Waxgaradka dalkaasi ugu caansan oo uu kamid yahay Sheikh Cabdiraxmaan Bashiir, iyagoo bashiir ku tilmaamay geesi naftiisa  u huray inay dadkiisu ku noolaadaan Gobanimo iyo Cadaalad.

Sidoo kale Xaaska Askarigan xidhan ayaa muuqaal ay soo duubtay ku codsatay in la garab istaago, waxayna sheegtay inaysan Marnaba  u Ooyi doonin Xaalada Ninkeeda.

Xabsigan ayaa u muuqda mid lamid ah Xabsigii la xidhay ee JeelOgaadeen kaasi oo dadka lagu ciqaabi jiray, Wuxuuna Muuqaalka Askariga reer Jabuuti kusoo aadayaa Xili uu Maraykanka gilgilay Muuqaal laga duubay Nin Madow ah oo Boolisku ay dilayaan.

Xigasho: Kalshaale.com

Sawirka Dhibanaha.

Exit mobile version