WARARKA SOOMAALI

Askari qof Muqdisho ugu dilay Jantaha sigaarka lagu shito oo la xukumay

By xuseen waashitoon

November 23, 2022

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa Maanta waxaa ay xukun dil ah ku riday D/le Bol. 513 Maxamed Cabdiqaadir Sheekh Ibraahim oo ka tirsanaa Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed gaar ahaan Degmada Afgooye oo qof shacab ah dil u geystay.

Eedeysanaha oo dilka uu geystay u adeegsaday Midi (Tooreey ayaa dilay Marxuum Cabdifitaax Cabdullahi Cali taariikhda markay ahyd 25-kii April ee Sanadkan falkaas oo ka dhacay dagmada Boondheere ee Gobolka Banadir.

Sababta dilaka keentay ayaa ahyd In eedeesanha iyo marxuumka ay ku murmeen Janta Siigar bishii Ramadaan ee sanadkaan.

Taliska Qeybta Danbi Barista Ciidanka Booliska Soomaaliyeed (CID) ayaa ku wareejiyay eedaysanaha Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada,  Baaris dheer ka dib waxa ay isla xilligaasi Garsoorka Ciidamada Ogolaadeen in xabsiga dhexe loo gudbiyo Garsuge ahaan 22-kii September ee sanadkaan.

Fadhiya kala Duwan Maxkamadda Ciidamada ayaa 21-kii Bishaan ku xukuntay Maxamed Cabdiqaadir Sheekh Ibraahim Dil-toogasha ah oo ah Qisaasta Marxuum Cabdifitaax Cabdullahi, Sida uu dhinacyada Dacwadda u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa Haysta fursad uu ku dalban karo Rafcaan.