WARARKA SOOMAALI

Askari Dil ka geystay Degmo ka tirsan Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

By xuseen waashitoon

July 06, 2023

Ciidanka ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska Gobolka Banaadir ayaa xalay gacanta kusoo dhigay Nin ku eedeysay inuu dil u geystay haweeney lagu magacaabi jiray arxiyo Nuur Maate.

Falkan ayaa ka dhacay degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho, waxaana Taliska qeybta guud ee Booliska Gobolka ay sheegeen in Ninka lasoo qabtay uu xabad ku fakiyay haweeneyda, taasi oo sababtay dhimashada marxuumada.

Booliska ayaa intaas kusii daray in eedeysanaha  oo ah Askari ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka la horgeyn doono caddaalada, Booliska Gobolka Banaadir faah faahin intaas ka badan kama bixin falkaas ka dhacay degmada Deyniile.

Askarta ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xiliyada qaarkood si micno darro ah isaga rida rasaasta, waxaana ay rasaasta ay sababtaa khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo gaara dad shacab ah oo aan waxba galabsan.