WARARKA SOOMAALI

António Guterres oo War kulul kasoo saaray Qaraxyadii lagu le’day ee Baladweyne

By xuseen waashitoon

October 05, 2022

Xoghayaha Guue ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxyadii is-miidaaminta ahaa ee maalmo kahor lagu weeraray xerada lamagaalay oo ku yaallan dhammaan Xafiiska Hirshabeelle ee Gobolka Hiiraan .

Qaraxyada oo saddex ahaa ayaa waxaa ka dhacay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, burbur hantiyadeed oo gaaray goobo Ganacsi, waxaana dadka ku jiray mas’uuliyiin ka tirsana Maamulka Hirshabeelle oo ku sugnaa goobta qaraxyada

Afhayeenka Xoghayaha Guudd Stethane Dujarric ayaa sheegay in Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay iyo sidoo kale dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay inay ka go’an tahay Qaramada Midoobay inay la shaqeyso hay’adaha gobolka iyo kuwa kale ee caalamiga ah si ay u taageeraan dadka iyo dowladda Soomaaliya ee uu jiheystay dhismaha dal nabad ah.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadii ka dhacay magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, in ka badan 30 qof ayaa ku dhimatay qaraxyadii dhacay, halka labaatameeyo kalena dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen qaraxyada.