Shir looga hadlayay horumatinta Amniga caasimadda gaar ahaan degmooyinka ku xeeran Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo muhiimad gaar ah u leh dowladda iyo shacabka Soomaliyeed ayaa Maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Shirka oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda amniga XFS waxaa ka qayb galay Xafiiska QM ee UNSOM, AMISOM iyo haayado kale iyadoo dhanka wasaaradda amniga uu shirka hugaaminayay wasiiru dowlaha wasaaradda Farxaan Cali Axmed.
Wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo kulanka ka qeyb galay ayaa wasaaradda amniga dalka ku bogaadiyey dadaalka ay ugu jiero xaqiijinta amniga dalka guud ahaan iyo gaar ahaan ilaha muhiim ka ah sida Garoomada.
Wasiiru dowlaha Amniga XFS Farxaan Cali Axmed ayaa sheegay in ujeedka loo qabtay kulankaan muhiim ka ah ay tahay in xaqiijinta amniga garoonka iyo degmooyinka ka agdhaw.