WARARKA SOOMAALI

Amniga Magaalada Muqdisho oo faraha kasii baxaya iyo Qaraxyo ka dhacay

By xuseen waashitoon

November 06, 2022

Waxaa xalay magaalada Muqdisho laga maqlay jugat qaraxyo isku xigxigay oo khal-khal amni ku abuuray shacabka kunool caasimadda Muqdisho, waxaana laga helayaa faah faahino dheeraad ah qaraxyada oo dheemish ahaa.

Saraakiisha Booliska dowladda Federaalka ayaa warbaahinta si hoose ugu sheegay in qaraxyada ay ahaayeen kuwo dheemish ah, isla markaana aan wax khasaaro geysan, lagula doonayey in shacabka magaalada Muqdisho lagu khal-khal geliyo.

Saraakiisha ayaa sidoo kale laga soo xigtay inay ka hortegayaan falalka amni darro ee ka dhaca magaalada, ammaanka Muqdisho ayaan haatan u muuqda mid faraha kasii baxaya, iyadoona ay soo bateen falalka amni darro, sida qaraxyada iyo weerada.

Fiidkii xalay ayey aheyd markii qof isku soo xiray jaakad waxyaabaha qarxa uu isku dhex-qarxiyey dhallinyaro farabadan oo safaf dheer ugu jiray inay qortaan Askarnnimo, kuwaasi oo ku sugnaa xerada tabbabarka Ciidanka xoogga ee taalla degmada Wadajir.

Qaraxyadii ka dhacay xalay magaalada Muqdisho ayaa kusoo aaday, iyada oo todobaadkii hore qaraxyo waaweyn oo is-miidaamin ahaa ay ka dhaceen Isgoyska Soobe, isla markaana  ay ku dhinteen 119 qof, halka 300 qof kalena ay ku dhaawacmeen, Al-shabaab ayaana sheegatay mas’uuliyada qaraxyadaas dhacay.