WARARKA SOOMAALI

Ammaanka Ra’iisul Wasaare Rooble oo aad loo adkeeyay iyo Ciidamo dheeraad ah oo…

By xuseen waashitoon

April 06, 2022

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in ammaanka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble siweyn loo adkeeyay, kadib markii habeen hore ay soo baxday Digniintii NISA ee ku aadanaa qorshe weerar.

Taliyihii ciidamada ilaalada Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa la bedelay, waxaa sidoo kale iyana la badelay Ciidamo badan oo ka tirsanaa ilaalada gaarka ah ee Ra’Iisul Wasaare Rooble, kuwaasi oo isugu jiray dharcad iyo Ciidamo kale.

Hoyga uu degan yahay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa la geeyay Ciidamo cusub oo dheeraad ah, kuwaasi oo sugaya amniga Rooble, maadaama soo baxday Digniin weerar oo Al-shabaab la damacsan yihiin Rooble iyo Farmaajo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa horey u sheegay in fariimo hanjabaadyo ah telfoonka loogu soo diray, waxaana uu hadalkaas ka sheegay kulan loogu duceeynayey Marxuumad Aamina Maxamed oo qarax lagu dilay.

Si kastaba NISA ayaa soo saartay Digniin weeraro ay qorsheynayaan Al-shabaab, isla markaana ay la damacsan yihiin inay la beegsadaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, waxaana aad loo adkeeyay amniga labada Mas’uul.