Site icon HORUFADHI MEDIA |

AMISOM oo dad shacab ah ku leysay xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

Faah faafhino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Africa ee AMISOM saakay lagula eegtay Xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid Miino ayaa Kolonyo ay la socdeen AMISOM waxaa lagaula bar-tilmaameedsaday Xaafadda Jamhuuriya degmada Kaaraan ee waqooyiga magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay markii uu dhacay qaraxa in ay fureen Rasaas culus oo ka dhaceysay Qoryaha AK47 iyo BKM-ka waxaana la sheegay in dad shacab ah ay waxyeelo ka soo gaartay Rasaastaas ay fureen.

Inta la xaqiijiyay 5 qof ayaa ku geeriyootay rasaastii ay fureen Ciidanka AMISOM, halka 9 qof kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, kuwaasi oo la geeyay Xarumo Caafimaad oo ku yaalla Magaalada Muqdisho.

AMISOM ayaa dhowr jeer qarax Miino oo noocaan oo kala ah lagula eegtay nawaaxiga Masaajidka Turkiga ee ku yaalla Xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya goobtii uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegaya in ay xaaladda degantahay waxaana AMISOM waxyeelo ay ka gaartay mid ka mid ah Gaadiidkooda iyaga oo la sheegay in ay sii wateen Socdaalkoodii.

Exit mobile version