WARARKA SOOMAALI

Amiir Jamac Maxamed Mire oo saaka ku dhintay Duqeyntii Ciidanka Somaliland

By xuseen waashitoon

August 13, 2023

Wararka aan ka heleyno magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in saaka halkaas ay ku dhaceen tiro madaafiic ah oo ay ku garaaceen ciidamada Maamulka Somaliland ee ku sugan buuraha ku yaal bariga magaalada.

Madaafiicda qaarkood ayaa ku dhacay guryo ku yaalla gudaha Laascaanood, isla markaana waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho ah iyo mid hantiyadeed, sida ay soo wariyeen qaar kamid ah dadka ku sugan magaaladaasi.

Ugu yaraan afar qof shacab ah oo uu ku jiray Amiir Jamac Maxamed Mire, oo kamid ahaa waxgaradka Laascaanood, ayaa kamid noqday dadkii saaka ku dhintay madaafiicda ay soo tuureen ciidamada Maamulka Somaliland

Allaha u naxariistee Marxuum Amiir Jamac Maxamed Mire ayaa waxaa uu kamid ahaa waxgaradka ugu saameynta badan ee deegaanada SSC, Duqeynta ayaa waxaa sidoo kale burbur xooggan ay gaarsiiyeen dhismayaal.

Maalmihii lasoo dhaafay ciidanka Somaliland iyo kuwa Maamulka cusub ee Khaatuma ayaa Dhaqdhaqaaqyo ciidan ka waday bariga magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay isku horfadhiyeen dhinacyada.