WARARKA SOOMAALI

Amar Culus oo la dul-dhigay shaqaalaha Hay’addaha Dowladda Somalia

By Xuseen Post

August 31, 2021

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa soo saartay Amar cusub oo ku socda dhammaan shaqaalaha Hay’addaha dowladda Federaalka, kaasi oo la xiriira Cudurka halista ah ee COVID-19.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada Cabdullaahi Maxamed Cali oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa dhammaan Hay’addaha dowladda lagu wargeliyey in shaqaalahooda ay qaataan Tallaalka looga hortegayo Cudurka COVID-19.

Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka ayaa waxaa la faray inay kala shaqeeyaan Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka, sidii Tallaalka u qaadan lahaayeen shaqaalaha Hay’addaha dowladda.

Qoraal uu soo saaray Agaasime Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa waxaa lagu caddeeyay in heerkii saddexaad ee Cudurka halista ah ee COVID-19 uu kusii faafayo gudaha dalka Soomaaliya, isla markaana ay qasab ay tahay in shaqaalaha qaatan tallaalka Cudurka.