Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa fagaro ku yaalla degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe waxa ay ka fuliyeen xukuno kala duwan,iyada oo ay ka soo qeyb-galeen boqolaal Shacab ah.
Maxkamadda Alshabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaanna tan degmada Aadan Yabaal ayaa Gacanta Midig ka jartay Nin lagu magacaabo Mukhtaar Muxudiin Maxamed oo ay ku eedeyeen fal Xatooyo ah.
Alshabaab ayaa sheegay Mukhtaar Muxudiin Maxamed oo 18-Sano jir ahaa in uu Jabsaday Dukaan ku yalla halkaasi islamarkaana uu ka qaatay Lacag dhan 2600, oo Shilin Soomaali ah iyo sidoo kale Midni tallay Dukaanka.
Dhinaca kalana isla dagaalamayaasha Alshabaab ayaa xukun dil toogasho ah waxa ay ka fuliyeen deeganka Kuntuwaareey ee gobolka Shabeellaha hoose iyaga oo xukunkas ku fuliyay Nin lagu magacaabi jiray C/llaahi Cabdi Cusmaan.
Alshabaab ayaa C/llaahi Cabdi Cusmaan oo 47-Sano jir ahaa waxa ay ku eedeeyeen in uu horay deeganka uu dil uga geystay islamarkaana Maxkamadoodu xukunka ku fulisay.