WARARKA SOOMAALI

Al-Shabaab oo weerartay Saldhig ay ATMIS ku wareejisay Ciidanka Jubbaland

By xuseen waashitoon

July 05, 2023

Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay weerar ku qaaday saldhig ciidanka Maamulka Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Geriley oo ka tirsan gobolka Gedo, weerarka kadib ayaa lasoo weriyey inuu deegaanka ka dhacay dagaal dhexmaray labada dhinac.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in dagaalka uu mudo kooban socday uu si iskiis ah u istaagay markii dambe, isla markaana waxaa ka dhashay khasaaro, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn inta uu la egyahay khasaaraha dagaalkii dhacay.

Saldhiga ciidamada ee degaanka Geriley ayaa kamid ahaa saldhigyadii toddobaadkii hore ay wareejiyeen ciidamada Kenya ee ATMIS ku wareejiyeen ciidamada Maamulka Jubbaland ee halkaas joogay.

Degaanka Geriley oo ka tirsan gobolka Gedo ayaa la sheegay inay weli gacanta ku hayaan ciidamada Jubaland iyo kuwa xoogga dalka kadib markii ay iska caabiyeen dableydii weerarka soo qaaday.