WARARKA SOOMAALI

Al-Shabaab oo weeraro badan ku dhinteen xalay ka fulisay Magaalada Muqdisho

By xuseen waashitoon

March 01, 2023

Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay dilal qorsheysan ka geysatay qeybo kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir gaar ahaan degmooyinka Yaaqshiid iyo Hiliwaa, waxaana dilalkaas ay ahaayeen kuwo sida weeraro oo kale u dhaca.

Shabaabka ayaa dilalka u geystay rag ka ganacsan jiray waxyaabaha maanka dooriyaha iyo horjoogayaal ka tirsanaa kooxda loo yaqaano ciyaal weerada burcada ah ah ee dhibaatooyinka u haaya shacabka kunool magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Weerarka koowaad ayaa la sheegay in Al Shabaab ka fuliyeen xaafada Cali Turcaaye, waxa ayna weerareen goob la sheegay in maan-dooriyaha lagu isticmaalayay, waxa ayna goobtaasi ku dileen afar nin oo ay sheegeen in ay ahaayeen ciyaal weero iyo tuugo.

Weerarka ayaa lagu qaaday goob kale oo kutaalla xaafada Godey ee degmada Yaqshiid, waxaana goobtaasi iyana lagu dilay saddex nin oo Shabaab sheegeen in ay ahaayeen burcad iyo ciyaal weero.

Dhawaan ayey aheyd markii Al-shabaab ku dhawaaqday inay Muqdisho ka bilaabeyso howlgalo dilal ah oo ku beegsaneyso kooxda Ciyaal weerada iyo kuwa ka ganacsada maandooriyaha, kadib markii sida ay sheegeen dacwo usoo gudbiyeen dad ku sugan magaalada.