WARARKA SOOMAALI

Al-shabaab oo weerar Madaafiic ah ku qaaday Saldhig ay ku sugan yihiin Ciidamo

By xuseen waashitoon

March 17, 2022

Xubno ka tirsan Al-shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay weerar madaafiic ahaa ku qaadeen Saldhig Ciidamada Uganda ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee  AMISOM ku leeyihiin deganka Bariire oo hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Qoryooleey ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen jugta madaafiicda oo qaarkood ku dhacay Xerada Ciidamada Uganda & agagaarkeeda, balse aysan cadeyn karin qasaaraha ka dhashay wallow wararka qaar ay sheegayaan in uu jiro khasaaro dhaawac ah oo ka dhashay.

Al-Shabaab oo ka hadlay weerarkaas ayaa sheegtay inay madaafiicda ay la heleen Gudaha Xerada Ciidamada Uganda, isla markaana qasaaro xoogan ay ku gaarsiiyeen, balse aysan jirin dad madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,Isla markaana howlaha isku socodka dadka iyo Ganacsiga ay si caadi ah u socdaan.