WARARKA SOOMAALI

Al-Shabaab oo Weerar lagu dilay Nabadoono ku qaaday Magaalada Masagawaa

By xuseen waashitoon

April 22, 2023

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xooggan oo qaraxyo ku bilowday oo Maanta dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Masagawaay ee Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Weerarka kadib, ayaa waxaa deegaanka ka dhacay dagaal dhexmaray ciidamada xoogga dalka, kuwa deegaanka iyo Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday, khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka iyo dagaalkii saaka Masagawaay.

Ugu yaraan 8 ruux oo isugu jiray Askar iyo Nabadoono deegaanka ku sugnaa ayaa ku dhintay weerarka, halka ay jiraan tirro dhaawacyo ah, inkastoo aan la helin faah faahin intaas ka badan, Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkaasi dhacay.

Dhinaca kale Gen Tareedisho oo kamid ah saraakiisha ciidamada ayaa VOA u sheegay in Al-Shabaab ay duullaan kusoo qaadeen Masagawaay ay iska difaaceen, isla markaana khasaaro gaarsiiyeen, waa sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu intaas kusii daray Jeneraal Tareedisho oo ka tirsan ciidanka xooggan in deegaanka deegaanka Masagawaay ee Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ay haatan gacanta ay ku hayaan ciidamada xooggan iyo kuwa deegaanka.