WARARKA SOOMAALI

Al-shabaab oo weerar ku qaaday Saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamo oo ku yaalla…

By xuseen waashitoon

March 18, 2022

Laamaha Amniga qeybahooda kala duwan ee Magaalada Baraawe ayaa xalay heegan buuxa la geliyay, kadib markii xubno katirsan Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen Talis ay AMISOM ku leeyihiin Aagga Biimaalow oo Baraawe.

Jugta hub culus oo ay AMISOM ugu jawaabeysay weerarka uga yimid dhinaca Al-shabaab ayaa laga maqlayay Xaafadaha Magaalada Baraawe, taasi oo Cabsi ku abuurtay dadka deegaanka oo ay sheegay inay cabsi dareemen.

Xaaladda Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa hadda daggan, iyadoo laamaha Amniga ay wadaan dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo aad uxooggan oo ay ku xaqiijinayaan Amniga.

Al-shabaab ayaa inta badan  weeraro ku dhufoo ka dhaqaaq ah ku qaadda Talisyada Ciidanka Xoogga iyo kuwa AMISOM ay degganyihiin, waxaana inta badan weerarada ka dhasha khasaaro kala duwan oo soo gaaraya Ciidanka la weeraro.