WARARKA SOOMAALI

Al-shabaab oo weerar khasaaro dhaliyey ka fulisay gudaha Kenya iyo faah faahin la helay

By xuseen waashitoon

January 17, 2022

Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar khasaaro gestay ka fuliyay deegaan lagu magacaabo Banisa oo ku yaala duleedka waqooyi ee Magaalada Mandheera, waxaana weerarkan lala beegsaday dad halkaasi ku sugnaa.

Al-shabaab ayaa war kasoo baxay lagu sheegay in weerarkaasi ka dhacay duleedka magaalada Mandheera, iyagu ka dambeeyeen, waxa ayna xuseen in weerarkaasi ku dileen labo qof oo Kenyan ah.

Dowlada Kenya ayaan wali ka hadlin weerarkan khasaaraha geestay ee Al-shabaab ka fuliyeen gudaha Kenya, waxaana howlgalo kawada deegaanka weerarku ka dhacay ciidamo katirsan milatariga iyo booliiska Kenya.

Al-shabaab ayaa maalmihii lasoo dhaaf kordhisay weerarada ay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya gaar ahaan deegaanada hoostaga magaalada Mandheera iyo sidoo kale gobolka xeebta ee Lamu.