WARARKA SOOMAALI

Al-shabaab oo weerar Gaadmo ku laayay in ka badan 30 Askari oo Kenyaati ah

By xuseen waashitoon

December 14, 2021

Dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ku qaaday deegaano hoostaga Magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.

Warbaahinta Al-shabaab ayaa baahisay in xubno ka tirsan kooxdooda dagaal kula wareegeen tuulada Konton ee hoostagta deegaanka Qorof-Xaraar ee hoostaga magaalada Wajeer halkaas oo ay ka carareen ciidamo ku sugnaa.

Ciidamo gurmad ah oo kusii jeeday deegaanka Al-shabaab la wareegeen ayaa la sheegay in qarax miino lala eegtay uuna soo gaaray khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Al Shabaab ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in qaraxa ciidanka gurmadka ee Kenyanka ah lagu dilay 30-askari tiro kalana lagu dhaawacay , waxa ayna xuseen in howlgalkaasi jab xoogan ku gaarsiiyeen ciidamada Kenya, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Kenya.

Dowlada Kenya ayaan si rasmi ah uga hadlin weerarkan Al Shabaab guusha ka sheegteen, waxaana weerarkan kamid noqonayaa weerarada gaadmada ah ee Al Shabaab inta badan ka geestaan gudaha Kenya gaar ahaan deegaanada xadka ku yaala.