Muqdisho (HM)-Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa lagu waramay in ay saaka goor hore weerar ku ekeeyeen fadhiisin ay ciidamadda milatariga Soomaaliya ku leeyihiin duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Illo wareedyo degaanka ah ayaa soo wariyey in weerarka uu isku rogay iska hor-imaad muddo socday oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, wallow aan la tirokoobin waxyeeladda guud.
Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in ciidamadda dowladda Soomaaliya ay iska caabiyeen duulaanka isla markaana ay dib u celiyeen maleeyshiyaadkii weerarka gadiska ah ku ekeeyay fariisimahooda barta kontarool ee Degmadda Balcad.
Maamulka degmada Balcad oo xaqiijiyey dhacdada ayaa ka gaabsaday in uu bixiyo tafaasiil dheeraad ah “sabab la xidhiidha macluumaad dhameystiran oo aan laga hayn khasaaraha dhanka xoogaga hubeysan”.
Saraakiisha Ciidamadda xoogga dalka ayaa guulo ka sheegtay dhacdadaas, wallow aysan soo hadal-qaadin khasaaraha dhinacooda ah ka soo gaadhay weerarka.
Dadka degaanka oo xog ku saabsan iska hor imaadka usoo dusiyey HM ayaa ku waramay in dadka dhibku soo gaadhay ay kamid yihiin caruur kuwaasoo ay haleeshay rasaasta labada dhinac.
Ma jiro wax warbixin ah oo ku saabsan iska hor-imaadka oo kasoo baxay dhanka ururka gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacidda ee Al-shabaab.
Weerarkaan ayaa wuxuu kusoo aadayaa xilli ay baadhitaan ku socoto dil wadareedka degaanka Gololey oo hoostaga degmada Balcad loogu geystay sideed ruux oo shacab ah, kuwaas oo aysan caddeyn cidda beegsatay.
Horufadhi News
