Al-shabaab ayaa soo bandhigtay Sarkaal ciidan oo ay sheegeen in uu ka tirsanaa ciidamada maamulka Koonfur Galbeed gaar ahaan ciidamada ka howlgalayay magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.
Deegaanka Garasweyne ee gobolka Bakool ayaa lagu soo bandhigay Sarkaalka Al Shabaab sheegeen in uu soo goostay, waxaana Sarkaalka magaciisa lagu sheegay Mustaf Xasan Axmed Aadan.
Wareysi uu siiyay Warbaahinta Al-shabaab ayuu ku sheegay Mustafa in uu ka tirsanaa Saraakiisha ciidamada maamulka Koonfur Galbeed, waxa uuna xusay kahor inta uusan ciidanka ku biirin in uu kusoo tababartay degmada Bardaale.
Sarkaalka ayaa sheegay in uu go’aansaday in uu kasoo baxo ciidamada Koonfur Galbeed kadib markii uu u adkeesan waayay sida uu xusay dhibaato ciidamada Itoobiya ku hayaan shacabka ku dhaqan gobolada Baay iyo Bakool.
HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA
Al-shabaab ayaa marar badan soo bandhigtay askar iyo saraakiil ay sheegeen in ay kasoo goosteen ciidamada dowlada Soomaaliya iyo qaar kamid ah Ciidamada ka amar qaata maamul Goboleedyada dalka.