WARARKA SOOMAALI

Al-shabaab oo shaacisay inay maalintii 2-aad ka dhex dagaalamayaan Hotelka Xayaat

By xuseen waashitoon

August 21, 2022

Al-shabaab ayaa saaka sheegay inay maalintii labaad oo xiriir ah dagaal ka wadaan Hotel Xayaat ee ku yaalla Magaalada Muqdisho oo habeen kahor ay ku qaadeen weerar ku bilowday qaraxyo Is-miidaamin ah loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey walxo qarxa

Shabaab ayaa intaas ku daray ciidamada dowlada in ay rabaan Hotelka in ay dumiyaan Miinooyin ku xiraan, balse askarta Shabaabka ka hortayaan sida lagu sheegay warbaahinta ku hadasha afka Shabaab.

Dowlada Soomaaliya wali war kama soo saarin dhacda la xariirta Weerarkii lagu qaaday Hotel Xayaat oo xalay jug culus iyo rasaas goos goos ah gudaha Hotelka laga maqlaayey,

Khasaare dhimasho, dhaawac, burbur soo gaaray hotelka qaar kamid dhismayaasha ku hareereysan ayaa jira inkastoo si dhab loo ogeyn halka uu gaarsiisan yahay.

In ka badan 25 ruux oo isugu jira shacab, siyaasiyiin, Odayaal dhaqan iyo Askar Ciidan ayaa ku dhintay weerarkii ka dhacay Hotelka Xayaat ee Magaalada Muqdisho, waxaana ku dhaawacmay sodameeyo ruux oo xaaladdiisa Caafimaad lagula tacaalayo Isbitaalada.