WARARKA SOOMAALI

Al-shabaab oo saaka weerar culus qaaday & Taliye ciidan oo ku dhintay

By xuseen waashitoon

January 17, 2023

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa arroornimadii hore ee saaka weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday degaanka Xawaadley oo u dhow degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, kadibna waxaa halkaas ka dhacay dagaal xooggan.

Weerarka qaraxyada ayaa waxaa ay Al-shabaab la beegsatay Saldhig ciidamada xoogga iyo kuwa deegaanka ee macwiisleyda ay ku leeyihiin degaanka Xawaadley, waxaana dagaal culus uu dhexmaray ciidanka dowladda iyo Al-shabaabkii weerarka soo qaaday.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka iyo dagaalka oo soo kala gaaray labada dhinac, Saraakiisha ciidanka dowladda uga dhimatay waxaa kamid ah Taliyahii Guutada 3-aad Qaybta 27-aad ee Milatariga Soomaaliya Kornayl Abshir Maxmuud Maxamed (Shataqeey).

Sidoo kale waxaa jira khasaaro kale oo gaaray Askar ka tirsan ciidamada dowladda, illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Taliska ciidamada xoogga iyo Maamulka Hirshabeelle oo ay uga hadlayaan weerarkii saaka ka dhacay degaanka Xawaadley.

Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ee macwiisleyda ayaa bilo kahor Al-shabaab ka qabsaday degaanka Xawaadley oo u dhow degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku lahaayeen Saldhig weyn oo weerarada laga soo qorsheyn jiray.