WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Al-shabaab oo la wareegay Degmo ka tirsan Gobolka Hiiraan

By xuseen waashitoon

December 13, 2021

Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab, ayaa gudaha u galay degmada muhiimka u ah isku socodka Gobolada dhexe ee Matabaan, ka dib markii ay halkaasi ka bexeen Ciidamo ka tirsan Booliska Galmudug.

Al-shabaab ayaa sidoo kale qabsaday dhawr tuulo oo ku dhow degmada Matabaan sida laga soo xigtay warbaahinta ku hada afka Al Shabaab, isla markaana waxaa ay halkaas kula hadleen dadweyne farabadan oo kamid ah dadka deegaanka.

Matabaan waa degmo ka tirsan gobolka Hiiraan waxa ayna ku taallaa xuduudka goboladda Galgaduud iyo Hiiraan. 2010-2020, waxaa gacanta ku haayay Ururkii Ahlusunna Waljamaaca ee goboladda dhexe waxaana kala wareegay ciidamo ka tirsan Booliska.

Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa maamulkeeda in mudo ah isku haayay dowlad Goboleedyada, Galmudug iyo Hirshabeelle, waxaana hadda maamulayay maamulka Galmudug ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA