Site icon HORUFADHI MEDIA |

Al-shabaab oo la wareegay degaano ay ka qabsadeen Ciidanka Dowladda

Wararka aan ka heleyno deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saakay isaga baxeen Ciidanka dowladda Federaalka oo dhawaan Al-shabaab kala wareegeen.

Ciidamada dowladda ayaa la sheegay inay isaga baxeen deegaanada kala ah War-ciise, Qoordheere iyo degaano kale oo ka tirsan Gobolka, halkaas oo maalmihii lasoo dhaafay uu ka dhacay dagaal geystay khasaaro isugu dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamada dowladda ayaa gaaray degaanka Biyo-cadde oo ay saldhig weyn ku leeyihiin ciidamada Burundi ee ka tirsan AMISOM, Laakiin ma jiro wax war ah oo arrintan ay kasoo saareen Taliska ciidamada xoogga dalka iyo cid dhexdhexaad ah oo xaqiijisay.

Degaanadan ayaa dhowaan looga qabsaday Alshabaab kadib howlgal ay qaadeen ciidamada dowladda, waxaana dagaal culus oo dhex maray labada dhinac lagu dilay saraakiil uu ka mid yahay taliyihii ururka 6-aad ee ciidamada gorgor Gaashaanle Maxamed C/wahaab Faarax

Dowladda ayaa dhinaceeda shaacisay in dagaalkii ka dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe looga dilay Maleeshiyaadka Al-shabaab in ka badan 70 dagaalame, isla markaana hub looga qabsaday.

Exit mobile version