WARARKA SOOMAALI

Al-shabaab o War kasoo saartay Khasaaraha Qarax ay la beegsatay Ciidamo badan

By xuseen waashitoon

August 06, 2022

Al-shabaab ayaa shalay weerar ku bilowday qarax Is-miidaamin ah ku qaaday Saldhig Ciidanka kummaandooska Gor-gor ee xoogga dalka ay ku leeyihiin degaanka Kala-beyr ee duleedk Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa oo aah mid xoogan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, isla markaana lala bartilmaameedsaday Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka oo ku sugnaa Saldhiga la weeraray.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen mas’uuliyada weerarkii dhacay, iyagoona tilmaamay inay la beegsadeen Ciidamo ay sheegeen in loo diyaarinaayay la-dagaallankooda, kuna  sugnaa Saldhiga Kala-beyr.

Afhayeenka Shabaabka Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa sheegay in ugu yaraan 19 Askari ay ku dileen qaraxa, halka 23 kalena ay ku dhaawacameen, warara madax banaan ayaa xaqiijinaya in qaraxa ay ku dhintay oo kaliya in ka badan 10 Askari oo Ciidanka Xoogga ka tirsan, tirro kalena ay dhaawacyo soo gaareen.