WARARKA SOOMAALI

Akhriso:-Puntland oo war kasoo saartay Xildhibaanada cusub ee maamulka Jubaland..

By Abdi rashid

August 13, 2019

Garoowe (HM ) Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka Puntland ayaa hambalyo loogu diray Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka Labaad ee Jubaland, sidoo kale Puntland waxay bogaadisay sida ay u socoto hanaanka Doorasho ee Jubaland.

Puntland ayaa dhowr jeer oo horay uga digtay in  Faragelin lagu sameeyo arimaha doorashada ee Galmudug iyo Jubbaland. Waxayna  Arintan ayaa kusoo beegmaysaa iyadoo Jubbaland looga dhowaaqay Laba Baarlamaan, oo mid kamid ah uu Taageero ka haysto madaxwayne Axmed Madoobe iyo maamulkiisa, Halka midka kale ay shaaciyeen Dadka kasoo Horjeeda.

Akhriso war-Saxaafadeedka Puntland kasoo baxay.