HORUFADHI MEDIA |

Akhriso:-Puntland oo shuruud adag ku xidhay ka qayb-galka shirkii aqalka sare ugu baaqay maamulada.

????????????????????????????????????

Garoowe (HM) –Puntland ayaa qoraal ay soo saartay uga hadashay mowqifkeeda ku aaddan shirkii uu ku baaqay guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya inuu dhex maro madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada Soomaaliya.

Puntland ayaa sheegtay inay soo dhoweeneyso shirkaas, diyaarna u tahay inay ka qeyb-gasho balse, waxay ku xidhay shuruud ah in la qabto kahor 20-ka bishan, haddii uu dhaafana aysan ka qeyb-gali doonin.

“Puntland waxay soo dhaweynaysaa baaqa Aqalka Sare ee in la qabto shir wadatashi iyo in Aqalka Sare guddi u qabteen qabashada shirkaas. Puntland waxay ku baaqaysaa in shirka Ia qabto ugu dambeyn June 20, 2020. Dowladda Puntland waxay cadeynaysaa inaysan qayb ka noqon doonin shir wadatashi oo qorshaysan kadib dhagaysiga Baarlamaanka Federaalka ah ee Guddiga Doorashooyinka ee 27-ka June 2020,” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay madaxtooyada maamulka Puntland.

Puntland ayaa sidoo kale ku eedeysay madaxda dowladda federaalka ah “in ay si ku talogal ah u marin-habaabinayaan qabsoomida doorashooyinka, ayagoo xeerinaya dano gaar ah iyo isku day in aysan waqtigooda ku dhicin”.

Sidoo kale, waxaa lagu dhaliilay in ka shaqeynayaan qas siyaasadeed iyo mid amni oo ka dhaca degaanada maamuladda “ayna arrintaas qayb ka tahay burburinta nidaamka federaalka” iyo talo wadaaga dhinacyada.

Horufadhi News

Akhriso Qoraalka.

warqada 1aad
warqada 3aad
warqada 4aad

Exit mobile version