WARARKA SOOMAALI

Akhriso:-Musharaxiinta Madaxweynaha oo ka carooday tallaabo uu qaaday Turkiga

By Xuseen Post

December 16, 2020

Guddoomiyaha guddiga lagu muransan yahayee doorashooyinka heer federaal Maxamed Xasan Maxamed ayaa kulan la qaatay danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz.

Kulanka ay yeesheen labadaan mas’uul ayaa ahaa mid xog-isdhaafsi ah oo ku saabsan dardargelinta howlaha doorashada.

Haddaba Golaha musharaxiinta mucaaridka  ayaa maanta qoraal kasoo baxay waxay si weyn ugu cambaareeyeen kulanka Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz la yeeshay guddiyada doorashooyinka ee lagu muransan-yahay.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay inay ka xun-yihiin taageerada iyo bogaadinta uu Safiirka Turkiga u muujiyey guddigaas, kaasoo ay ku tilmaameen guddi aan sharci aheyn.

Sidoo kale Musharaxiinta ayaa dowladda Turkiga ugu baaqay inay dhex-dhexaad ka noqdaan doorashada ka dhaceysa Soomaaliya, isla markaana masaafo simman u jirsadan Madaxweyne Farmaajo iyo Musharaxiinta kale ee tartameysa.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Musharaxiinta Madaxweynaha.