WARARKA SOOMAALI

Akhriso: Magacyada Saraakiil Ciidan oo ku geeriyooday Qaraxii Gaalkacyo

By Xuseen Post

December 18, 2020

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya iyo shacab badan ayaa ku dhammaday Qaraxii is-miidaaminta ahaa ee gabaldhicii Maanta ka dhacay afaafka hore ee Garoonka kubadda Cagta ee Magaalada Gaalkacyo.

Qaraxa oo uu fuliyay qof isku soo xiray Jaakad ay ku rakiban yihiin walxaha qarxa ayaa ka dhacay Garoonka Cabdullaahi Ciise Gaalkacyo dhinaca Galmudug, xili halkaas ay ka socotay munaasabad lagu soo dhaweynayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Qoorqoor.

Dad goobjoogayaal ah ayaa ku warramay in qofka is qarxiyay uu beegsaday goob ay ku sugnaayeen Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug, Saraakiil Ciidamada Xoogga dalka iyo Ilaalada gaarka ah ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Saraakiisha ku dhintay qaraxa ayaa waxaa kamid ah Taliyihii Ciidanka Xoogga qeybta 21-aad Cabdicasiis Cabdullaahi Qooje iyo Taliyihii Ciidanka DANAB ee Maamulka Galmudug Gen. Mukhtaar iyo ku-xigeenkiisa.

Sidoo kale dadka goobta ku naf-waayay ayaa waxaa kamid Guddoomiyihii hore ee Magaalada Gaalkacyo dhinaca Puntland Maxamed Yaasiin Tummey iyo dadweyne badan oo shacab ah, halka dad dhow 20 ay ku dhaawacmeen qaraxaas.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Galmudug oo ay uga hadlayaan qaraxii khasaaraha badan geystay ee galabta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Maamulka Galmudug.