WARARKA SOOMAALI

Akhriso: Magacyada dadka ku dhintay weerarkii Xayaat iyo kuwa dhaawacmay

By xuseen waashitoon

August 20, 2022

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerar ku bilowday qaraxyo Is-miidaamin ah oo xalay Al-shabaab ku qaaday Hotelka Xayaat ee ku yaalla Magaalada Muqdisho, waxaana weli socda dagaal u dhexeeya Ciidanka dowladda iyo rag hubeysan.

In ka badan 8 ruux ayaa la sheegay inay ku dhinteen weerarka, halka dhowr qof kalena ay ku dhaawacmeen oo uu ku jiro Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir Muxudiin Warbac Shadoor oo xaaladdiisa Caafimaad lala talaacayo.

Dadka dhintay ayaa waxaa kamid ah Ganacsade  Cabdirahman Xassan Iiman,  Sheekh Maxamed Baabili,  Cabdi Haadi Maxamed Sheekh ,Ibraahim Raage, Yuusuf Mahad  Barrow iyo dad kale, kuwaasi oo ku sugnaa hotelka weerarka lagu qaaday.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dadka dhaawacmay uu kamid yahay Nabadoon Bootan Ahmed, Guddoomiyihii hore Baarlamaanka Maamulka Galmudug  Cali Gacal Casir iyo sidoo kale Daahir Caga Dahab, waxaana la geeyay Isbitaal oo lagu dabiibayo.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka lagu qaaday hotelka Xayaat oo weli ay ka dhex-dagaalamayaan xubno ka tirsan Shabaabka, Ciidanka dowladda ayaa wada howlgal ay kusoo afjarayaan weerarka iyo dagaalka oo qaatay saacado badan oo xiriir ah.