Site icon HORUFADHI MEDIA |

Madaxweyne Farmaajo oo loogu baaqay in uu la hadlo Muuse Biixi iyo imaaraadka Carabta-Warbixin

Muqdisho (Horufadhi News)-Ururka xasaradaha caalamiga ICG ayaa ugu baaqday madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo inuu wada hadalo la yeesho dawladda Imaaraadka Carabta iyo Maamul Gobaleedka  Somaliland gaar ahaana Madaxweyne Muuse Biixi.

 

Warbixin dheer oo ay hay’adu soo saartay oo ay kaga hadashay saamaynta uu khilaafka dalalka khaliijku ku yeeshay gobalka Geeska Afrika, waxay hay’adu qayb ka mid ah warbixintaas ugu baaqday Mr. Farmaajo inuu wada hadal la furo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi islamarkaana uu la qaato kulan, si ayay tidhi warbixintu uu ugu muujiyo niyad wanaag.

Waxa kale oo ay warbixintu Madaxweyne Farmaajo u soo jeedisay in cod dheer uu ku sheego inuu diyaar u yahay wada hadal toos ah oo uu la galo Immaaraadka kana dalbado Sacuudiga inuu dhexdhexaadiyo labada dhinac. Waxaa taasi suuragelin karta ayay warbixintu tidhi  in lacagtii Imaaaraatka ee ay dawladiisu  qabsatay lagu bixiyo mushaharaadka ciidammada ay immaaraadku tababreen oo la sheegay in markii horeba lacagtasi loo waday.

Waxaana sidoo kale loogu baaqay dawladiisu inay qaboojiso hadallada ka dhanka ah Imaaraatka Carabta.

Horufadhi News

Exit mobile version