Xukuumada Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre waxaa xiligan ka banaan dhoor Wasaaradood oo Wasiiradii hayay qaarkood xilka laga qaaday halka qaar kalana ay xilkaas siyaabo kala duwan isaga casileen.
Isbuucan waxaa xilkii Wasiirnimo iska casilay Afar Wasiir oo isugu jira labo Wasiir, hal Wasiiru Dowle iyo Wasiir kuxigeen, waxaana Wasiirada is casilay ugu muhiimsan Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya.
Xukuumada Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre waxaa hada ka banaan 5-Wasiir hal Wasiiru Dowle iyo labo Wasiir kuxigeen, Wasiiradan ayaana isugu jira kuwe horey xilka uga tagay iyo kuwa isbuucan isku casilay in ay u tartamaan Doorashada Gudoomiyaha golaha Shacabka.
Dad badan ayaa isweediinaya xiliga Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya uu soo magacaabi doono Wasiirada ka dhiman Xukuumadiisa, waxaana xilalka Wasiirada qaarkood sii hayaal ka ah Wasiir kuxigeeno.
Waxaa xusid mudan in Wasiiradan banaan intooda badan ay iska leeyihiin Beesha Digil iyo Mirifle, waxaana la filayaa in Wasaaradahan Wasiiradooda la magacaabo marka la doorto Gudoomiyaha Baarlamaanka kadib.
Halkan ka Akhriso Liiska Wasiirada ka banaan Xukuumada R/Wasaare Kheyre
Wasiirka Gaashaandhiga Wasiirka Warfaafinta Wasiirka Diinta iyo Owqaafta Wasiirka Gargaarka iyo Bini’aadanimada Wasiirka Biyaha iyo Tamarta Wasiir kuxigeenka Boostada iyo Isgaarsiinta Wasiiru dawlaha Ganacsiga iyo Warshadaha
Wasiir ku xigeenka Caafimaadka.