HORUFADHI MEDIA |

Akhriso:-Jawaabta gudiga doorashada Jubaland ee warqadii James Swan..

Kismaayo (HM)-Guddiga Doorashada Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Jawaab ka bixiyay Qoraal dalab ahaa uu u diray Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Amb James Swan.

War qoraal ah oo ku qoran Luuqa English-ka ay soo saareen Guddiga Doorashada Jubbaland ayaa waxaa ay ku sheegeen in Doorashada Madaxweynaha ay ku dhicin doonto waqtigii loogu tala galay,isla markaana aysan jirin doonin dib u dhac.

Sidoo kale Guddiga ayaa sheegay in haatan la marayo meelihii ugu dambeeyay ee arrimaha Doorashada lana qaaday 7 tallaabo oo lagama maarmaan u ah dib u habeynta hannaanka doorashada.

Qoraalka Guddiga ayaa lagu xusay in la fuliyay dhamaan shuruudihii lagu xiray ee la xiriiray Dastuurka dalka iyo hannaanka doorashada Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland.

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Amb James Swan ayaa xalay waxaa uu sheegay in aysan aqoonsanaan doonin Natiijo kasta oo ka soo baxda Doorashada Jubbaland hadii aan si dhab ah loo fulin qaar kamid ah qodobadii uu ka Codsaday Guddiga Doorashada.

Hoos ka Akhriso Qoraalka Guddiga Doorashada oo ku qoran Luuqa English-ka.

Exit mobile version