WARARKA SOOMAALI

Akhriso:-Dowladda iyo M/Goboleedyada oo heshiis Cusub kala saxiixday

By Xuseen Post

December 12, 2020

Shirka Wadatashiga Dakhli-wadaagga Kalluumeysiga dalka Soomaaliya oo ay ka qeyb galeen Wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya iyo Wasiirada Wasaaradaha Kalluumeysiga maamul Goboleedyada ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Muqdisho.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadlay xoojinta howsha socota ee Dakhli-wadaagga Kalluumeysiga dalka iyo dib-u-eegista sharciga Kalluumeysiga Soomaaliya, kaasi oo socday laba maalmood.

Mas’uuliyiinta ka qeyb galay Shirka ayaa ku heshiiyay in loo guntado ilaalinta noolaha iyo deegaanka badda, ka hortagga kalluumeysiga sharci darrada ah ee xeebaha dalka iyo mideynta siyaasadaha Kalluumeysiga.

Sidoo kale Wasiirka Kalluumeysiga dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada ayaa go’aan ku gaaray in muhiimad gaar ah la siiyo ka hortega wax kasta oo dhibaato u keeni kara noolaha ku jira badda, isla markaana la ilaaiyo maareynta kheyraadka.

Shirka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga Xukuumadda iyo kuwa maamul Goboleedyada, sida Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Puntland iyo Galmudug, kuwaasi oo soo gaaray Muqdisho.

Hoos ka Akhriso War-murtieedka laga soo saaray Shirkii lagu qabtay Muqdisho.