WARARKA SOOMAALI

AKHRISO:-Dowladda Federaalka oo Amar kasoo saartay xoolaha Udxiyada

By Xuseen Post

July 19, 2021

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal digniin ah ka soo saartay xoolaha lagu qallo xaafadaha xilliyada lagu guda jiro waajibaadka ciidul Adxa.

Wasaaradda ayaa fartay dhamaan hay’adaha samafalka khayriga ah kuwooda wadaniga ah iyo kuwa caalamiga ah ee dalka ka howlgala ee ka shaqeynaya fulinta barnaamijyada Udxiyada sanadka 1442-2021.

Sidoo kale Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa sheegtay in xoolaha Udxiyada aan lagu qali karin meel ka baxsan kawaanada loogu tala-galay in xoolaha lagu gowraco, si loo ilaaliyo bilicda Caasimadda dalka ee Muqdisho.

Wasaaradda ayaa tilmaamtay in tallaado sharciga waafaqsan laga qaadi doono hay’addii la ogaado iyada oo xoolaha ku qaleysa goobo ka baxsan kawaanada, waxaana la faray hay’adaha samafalka iyo kuwa caalamiga ah ee dalka ka howlgala inay fuliyaan amarka.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Dowladda Federaalka.