WARARKA SOOMAALI

Agaasimaha cusub ee NISA Mahad Salaad oo Maanta xilka la wareegay

By xuseen waashitoon

May 29, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegayay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad, taasoo ka dhacday xarunta hay’addaas ee magaalada Muqdisho.

Mahad Salaad ayaa xilka kala wareegay taliyihii KMG ahaa ee NISA Yaasiin Farey oo sidoo kale ka mid ah Xildhibaanada cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Talaabadan ayaa ka dhigan in Taliyaha cusub ee NISA Mahad Salaad uu lumiyey kursigii Xildhibaanimo ee Golaha Shacabka sida uu qorayo dastuurka KMG ah ee dalka.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maalmo ka hor kulan  yeeshay ayaa ansixiyay magacaabida taliyaha cusub.