WARARKA SOOMAALI

Soomaliland Gudoomiyihii Gobolka Togdheer oo u geeriyooday cudurka Caronavirus.

By Abdi rashid

June 08, 2020

Laascaanood (HM)-Wararka ka imaanaya magaalada Burco ee caasimada gobolka Togdheer ee maamulka Somaliland ayaa sheegaya in xalay dalka dibadiisa uu ku geeriyooday gudoomiyihii gobolkaasi Xamse Maxamed Cabdi .

Gudomiye Xamse Maxamed oo maalmihii lasoo dhaafay la ildarnaa cudurka Caronavirus ayaa shalay loo qaaday dalka Turkiga si looga daweeyo xanuuno halis ah ka dhashay cudurka Caronavirus oo ku dhacay.

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid gudoomiyihii gobolka Togdheer,  waxa uuna Madaxweynaha ilaah uga baryay marxuumka in janadii fardowso ka waraabiyo.

Muuse Biixi ayaa Gudoomiyaha geeriyooday ku sifeeyey masuul hawlkar ah oo xilal ka soo qabtay xukuumadihii kala danbeeyey, tilmaan iyo hiigsina u ahaa da’a yarta dalka, kuna suntanaa daacadnimo iyo dedaal Sida uu hadalka u dhigay Biixi.

Horufadhi News

Sawir hore Gudoomiyaha G. Togdheer.