Site icon HORUFADHI MEDIA |

Laascaanood Ciidamo maleeshiyaadka Hargeysa oo Xabsiga dhigay Dad shacab ah!!.

Laascanood (HM)-Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Booliska maleeshiyaadka Hargeysa  ay Xabsiga dhigeen tira inta la ogyahay  Dad gaadhaya ugu yaraan 10 ruux oo kamid ah Shacabka Magaalada Laascaanood.

Dadka ay Ciidamada maleeshiyaadku xidheen ayaa waxaa la sheegay in ay ka mid ahaayeen dad dagaal shalay kala horyimid Ciidamada maleeshiyaadka Soomaaliland oo wada howlo burburin ah, kadib amar kasoo baxay Wasaaradda Howlaha Guud ee Hargeysa.

Wararka ayaa waxa ay intaasi kusii darayaan in dadka la xidhay oo isugu jiraan Rag iyo Dumar isla markaana xalay ku hoydeen Saldhiga Booliska Magaalada Laascaanood, hayeeshee ay saldhiga tageen qaar ka mid ah Odayaasha Laascaanood, balse ay ku guul dareesteen dadaalo ay ku doonayeen in ay kusii daayaan dadkaas kadib markii ay ku gacan saydheen xubnaha Saldhiga ee Maleeshiyaadka Hargeysa ka mushahar qaata.

Mid ka mid ah Waxgaradka Magaalada Laascaanood oo la hadlayay mid ka mid ah Warbaahinta ka howlgasha dalka ayaa sheegay in mar walba ay dhibaato kala kulmaan Ciidamada maleeshiyaadka Soomaaliland ee ku sugan Magaalada Laascaanood.

Maamulka Gobalka Sool ee laga soo magacaabo Hargeysa iyo wasaarada howlaha guud ee ku fashilantay isla markaana ku dhiiran waysay inay ka howl gasho Burco iyo Hargeysa ayaa maalmahan waxaa ay si gaara u beegsanayse naafeynta ganacsiga yaryar ee Bulshada gobalka Sool iyaga oo ugu soo gabanaya wax ay ugu yeedheen Master Plan. kaasoo la is waydiinayo ilaa hada sababta uu sidan ugaga shaqaynayo qorshahan isagoo Hargeysa oo xaruntii ah ka shaqayn waayay, si kastaba ha ahaatee reer Laascaanood qorshahan waxay u arkaan mid lagu beegsanayo horumarka naadirka ah ee ay sameynayaan ganacsatada curdinka ah ee Laascaanod.

Horufadhi News

Exit mobile version